Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay si rasmi ah u burbureen wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka ayaa lagu shaaciyay in ay burbureen wada-hadalladii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo burburka ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo ku dhow wada-hadallada ayaa xaqiijiyay in kulamadii u dambeeyay ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan, iyadoo qodobbo muhiim ah la isku mari waayay gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca Dowladda Federaalka weli kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay burburka wada-hadallada. Sidoo kale lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan labada dhinac.

Dhanka kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in wakiillo ka socda Beesha Caalamka ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan si dib loogu soo celiyo miiska wada-hadallada, loogana hortago in khilaafka sii xoogeysto.