Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan muhiim ah oo u dhaxeeya xubnaha Golaha Mustaqbalka oo uu kamid yahay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xildhibaannada labada Aqal ee mucaaradka.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo wadahadalladii burburay ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyadoo xubnuhu ay ka wada hadleen dariiqooyinka lagu xoojin karo wadahadallada siyaasadeed iyo sidii loo gaari lahaa xal waara oo ka dhasha khilaafaadka jira.

Waxaa sidoo kale looga hadlay qorshayaasha soo socda ee Golaha Mustaqbalka iyo tallaabooyinka la qaadi karo si loo hubiyo in geeddi-socodka siyaasadeed uu si hufan u socdo, loona gaaro is-afgarad siyaasadeed oo dalka ka miro dhalaya.

Kulankan ayaa tilmaamaya sida ay siyaasiyiinta mucaaradku uga go’an tahay inay ka qeybqaataan xalinta caqabadaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay sare u qaadaan wada-shaqaynta dowladda iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.