Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay si rasmi ah uga shaqeynayso dadaallo dhexdhexaadin ah oo lagu xallinayo qodobada wali ay isku hayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya. UK ayaa carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan si loo gaaro heshiis waara.

War ka soo baxay UK ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula shaqeynayso wakiilada caalamiga ah si loo dardargeliyo wada-hadallada, islamarkaana loo abuuro jawi kalsooni ku dhisan oo dhinacyadu si furan ugu wada xaajoon karaan arrimaha taagan.

Sida muuqata, wakiilada beesha caalamka ayaa bilaabay dadaallo xooggan oo la xiriira isu soo dhaweynta dhinacyada Soomaalida, iyagoo qorsheynaya in ay miiska wada-hadalka isugu keenaan kahor bisha April ee sannadkan. Ujeeddada dadaalladan ayaa ah in laga hortago dib u dhac ku yimaada geeddi-socodka siyaasadeed, lana xaqiijiyo in arrimaha la isku hayo lagu dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad.

UK ayaa ku baaqday in dhammaan dhinacyadu ay ka hormariyaan danaha qaranka danaha gaarka ah, ayna muujiyaan mas’uuliyad siyaasadeed si loo ilaaliyo xasilloonida iyo horumarka dalka.

Dadaalladan cusub ayaa imaanaya xilli ay jirto baahi loo qabo in la dedejiyo heshiisyada muhiimka ah, si loo xaqiijiyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, loogana gudbo caqabadaha wali taagan.