Dable Xoogga Nuur Cabdi Geeddi Nuur (Gaay Gaay) ayaa Lagu soo eedeeyay In uu Nafta Dhaafiyay Askari Saf Tirsiga Ciidmada ay ka wadaageen Ilaa Unugta, Waana Marxuum Ex Dable Xasan Yaasiin Cabdullaahi oo u Geeriyooday Xabad Ak 47 Dhagta kaga Dhacday Kow iyo labaatankii bishii December ee sanadkii tagay 2025.
Sababta Dilka keentay ayaa ahayd Muran ka dhashay kaftan dhaxmaray eedeysaha iyo marxuumka la dilay.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga ogolaaday oo la Dhageystay Labo iyo Tobankii Bishaan February.
Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda, ayaa Maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Nuur Cabdi Geedi (Gaay Gaay) Dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Xasan Yaasiin Cabdullaahi. Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.






