Wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay maanta ku yeelanayaan kulankoodii ugu dambeeyay ee wadatashiga ah Hotelka Airport, ka hor inta aysan ka kala dhoofin caasimadda.
Kulankan oo loo qorsheeyay 11:00 subaxnimo, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, isbeddellada jira iyo jihada xigta ee uu qaadi doono Goluhu. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanku uu noqon doono mid lagu lafa-guro arrimo xasaasi ah oo quseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo wada-shaqeynta xubnaha Golaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa ka maqnaan doona kulankan, kaddib markii uu horey ugu laabtay magaalada Kismaayo si uu halkaas uga sii ambaqaado hawlaha shaqo ee maamulkiisa.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay u kala safraan magaalooyin iyo dalal kala duwan, oo ay ku jiraan Nairobi, Imaaraadka Carabta iyo meelo kale. Wararku waxay intaas ku darayaan in xubnaha loo diyaariyay qorsheyaal gaar ah oo ku wajahan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee soo socda, si looga hortago waxa ay ku tilmaameen damaca Villa Somalia.






