Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 163aad, Guutada 16aad, ayaa maanta fuliyey howlgallo qorsheysan, kuwaas oo ka dhacay deegaanno hoos taga degmada Maxaas.
Howlgalladan oo uu si toos ah u hoggaaminayey Taliyaha Ururka 163aad, G/le Maxamed Bashiir Sheekh Cali (Shiine) ayaa laga fuliyey deegaannada kala ah, Dudun Cad, Dhaaye Dhabe, Ceelgod, Ceeljiqow, Bilcile, Waradhuumaleh iyo
Lixley.
Ujeeddada howlgalladan ayaa ahayd xaqiijinta amniga, baarista fariisimaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysan karaan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ka hortagga falal amni darro oo ay maleegayeen inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa intii ay howlgalladu socdeen sameeyey baaritaanno dhameystiran, waxayna burburiyeen goobo ay Al-Shabaab u adeegsan jireen dhaqdhaqaaqyada qarsoon.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyey isku socodka shacabka iyo gaadiidka si loo xaqiijiyo badqabka bulshada ku dhaqan deegaannadaas.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, gaar ahaan xilliyada ay isku dayaan in ay qalqal geliyaan amniga dalka. Bisha barakeysan ee Ramadaan gudaheeda.






