Waxaa Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka Febraayo martigelinaysa kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saarayo soo bandhigista cutubyadii ugu dambeeyay ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah.
Kulankan ayaa imanaya kaddib shir saacado badan qaatay oo shalay ka dhacay Muqdisho, islamarkaana ay yeesheen Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka. Shirkaas ayaa lagu lafa-guray qodobbada harsanaa, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in la dhammeystiro cutubyadii u dambeeyay si loogu gudbiyo Baarlamaanka.
Cutubyada maanta lagu soo bandhigayo fadhiga wadajirka ah ayaa kala ah:
Cutubka 10aad: Shaqaalaha Rayidka ah
Cutubka 11aad: Nidaamka Maaliyadda Guud
Cutubka 12aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka
Cutubka 13aad: Qodobbo Guud
Sidoo kale, waxaa munaasabadda lagu soo bandhigi doonaa ararta cusub ee Dastuurka, taas oo lagu qeexayo himilada, mabaadi’da iyo jihada guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Guddiyada ka shaqeynayay dib-u-eegista ayaa sheegay in cutubyadan ay si dhow ula jaanqaadayaan xaaladda iyo baahiyaha dalka, islamarkaana ay muhiim u yihiin dhameystirka geeddi-socodka dastuurka. Waxay xuseen in marka la horgeeyo Baarlamaanka, ay ku xigi doonto marxaladda dooda, ansixinta iyo hirgelinta.
Si kastaba ha ahaatee, soo bandhigista cutubyadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay weli taagan yihiin dooddo iyo aragtiyo kala duwan oo ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka. Waxaa sidoo kale fashil ku dhammaaday kulamo hore oo u dhexeeyay Golaha Wadatashiga Qaran iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu doonayay in lagu helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.






