Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay isbeddel cusub oo lagu sameeyay taliska sare ee qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada qalabka sida, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn ballaaran oo muddooyinkii dambe ka socotay hay’adaha amniga dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Gaarka ah, Xasan Cadde, waxaana xilkaas loo magacaabay Aadan Dheere oo horey u ahaa Korneyl ka tirsan Hay’adda NISA, isla markaana loo dalacsiiyay darajada Jeneraal, waxaana sarkaalkan uu la soo Shaqeeyay dowladdii Farmaajo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Taliyaha Ciidanka Cirka u magacaabay Cabdirisaaq “Eratrea”, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tababarka ugu dirtay dalka Eritrea.
Isbeddelladan cusub ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo hoggaanka, tayada iyo waxtarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo dardar-geliyo howlaha sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha amni-darrada ka wada qeybo ka mid ah dalka.
Dowladda ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday dadaallo lagu tayeynayo qaab-dhismeedka ciidamada, kor u qaadista tababarrada iyo dib-u-habeynta nidaamka hoggaamineed, si loo helo ciidan qaran oo awood leh, isku duuban, kana jawaabi kara baahiyaha amni ee dalka.






