Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in saldhigga Dayaxgacmeedyada ee Turkigu qorsheynayo inuu ka hirgeliyo Soomaaliya uu furi karo fursado cusub oo iskaashi oo ku saabsan amniga, warshadaha difaaca iyo wadaagista teknoolojiyadda ee labada dal.
Burhanettin Duran, oo ah madaxa Waaxda Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, ayaa ku tilmaamay mashruucan mid ka mid ah iskaashiyada ugu muhiimsan ee u dhexeeya Ankara iyo Muqdisho, isaga oo ku sifeeyay “hindise xiiso leh”.
“Waxaan aaminsanahay in mashruucan xiisaha leh uusan kaliya kor u qaadi doonin sumcadda caalamiga ah ee Turkiga iyo Soomaaliya, balse uu sidoo kale u gogol xaari doono fursado cusub oo dhinacyo badan leh, oo ay ka mid yihiin amniga, warshadaha difaaca iyo wadaagista teknoolojiyadda,” ayuu Duran ka sheegay madal cinwaankeedu ahaa “Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ee Geeddi-socodka Isbeddelka Caalamiga ah,” oo Arbacadii ka dhacday Ankara.
Asalka Mashruuca
Dhismaha xarunta laga today Dayaxgacmeedyada ee laga hirgelinayo xeebaha Badweynta Hindiya ee Soomaaliya ayaa bilowday sanadkii hore, kadib markii la soo gabagabeeyay daraasadaha suurtagalnimada iyo naqshadeynta.
Mashruucan ayaa laga hirgelinayaa dhul ay Soomaaliya u qoondeysay Turkiga, sida ku cad heshiis iskaashi laba geesood ah oo ay labada dal kala saxiixdeen sanadkii 2024. Inkasta oo weli aan si buuxda loo shaacin qaab-dhismeedka sharciyeed ee mashruuca, warbaahinta Turkiga ayaa bishii Agoosto werisay in goobtu ku taallo meel u dhow dhulbaraha, ayna ku fadhido dhul ballaaran oo qiyaastii gaaraya 900 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
U dhowaanshaha Soomaaliya ee dhulbaraha ayaa la filayaa inay hoos u dhigto kharashaadka shidaalka, isla markaana kordhiso waxtarka culayska dayax-gacmeedyada la dirayo, taasoo taageereysa dadaallada Ankara ee ku aaddan horumarinta awooddeeda madaxbannaan ee gantaal ridista, iyada oo qayb ka ah barnaamijkeeda qaran ee hawada sare.
Saldhiggan, oo noqonaya kii ugu horreeyay ee Turkigu ka hirgeliyo dibadda, ayaa loogu talagalay in lagu taageero ridista dayax-gacmeedyada ay kormeerayso Turkish Space Agency, sidoo kalena lagu tijaabiyo gantaallada gudaha lagu soo saaro, si loo yareeyo ku tiirsanaanta warshadaha difaaca shisheeye.
Si kastaba ha ahaatee, weli lama shaacin jadwalka rasmiga ah ee dhismaha iyo kharashka ku baxaya mashruucan.
Ballaarinta Saameynta Turkiga ee Soomaaliya
Hadalkan ayaa imanaya xilli Turkigu uu sii xoojinayo joogitaankiisa dhinacyo kala duwan oo Soomaaliya ah, taasoo loo arko albaabka istiraatiijiga ah ee Ankara ugu gudubto qaaradda Afrika.
Soomaaliya ayaa horey u martigelisay mid ka mid ah saldhigyada milatari ee ugu waaweyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda, kaasoo siinaya Ankara saldhig istiraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika.
Horaantii bishan, Ankara ayaa sidoo kale dirtay markabkeedii ugu horreeyay ee qodista shidaalka si uu uga howlgalo biyaha Soomaaliya, kadib baaris Turkigu ku sameeyay kheyraadka shidaalka iyo gaaska meelo ka baxsan xeebaha dalka intii u dhaxeysay 2024 iyo 2025.
Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa bishii Diseembar sheegay in Ankara ay rajo weyn ka qabto saddex baloog oo ku yaalla badda, kuwaasoo midkiiba ku fadhiyo qiyaastii 5,000 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Mashruuca saldhigga saldhigga Dayaxgacmeedyada hawada sare loo dirayo ayaa la filayaa inuu noqdo tiir cusub oo xoojiya xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, inkastoo su’aalo badan ay weli ka taagan yihiin faahfaahinta heshiiska iyo saameynta dhaqaale ee mustaqbalka fog.






