Ilo wareedyo rasmi ah ayaa xaqiijiyay in musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Cabdulqaadir Cosoble iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur, ay is-xilqaameen isla markaana maalmaha soo socda kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulankan uu yahay mid ay dalbadeen saddexda masuul ee uu hoggaaminayo Sheekh Shariif, kuwaas oo la tilmaamay inay ku hayb yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ujeeddada kulanka ayaa la sheegay in ay tahay wadahadal ku saabsan xaaladda doorashada, xal u helidda tabashooyinka jira, iyo in la xoojiyo wada-tashiga siyaasadeed.

Sida xog hoose oo aan helnay muujinayso, kulanka ayaa noqon doona mid ku dhisan waano, is-afgarad iyo ehelnimo, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo loo dhan yahay kana turjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ma faahfaahin ajandaha rasmiga ah ee kulanka, hase yeeshee ilo wareedyadu waxay tilmaamayaan in la filayo in laga wada hadlo jihada siyaasadda dalka, wadajirka musharraxiinta iyo doorka ay ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka soo socda.

Saddexda musharax ayaa ka walwalsan xaaladda dalka maadaama dhawaan ay fashilmeen wada-hadalladii Madaxda Dowladda iyo Golaha Mustaqabalka Mucaaradka.