Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in la helay meydka qof dumar ah oo la aaminsanyahay inay ahayd Ikraan Taliil.
Lafaha qofka ayaa waxay wararku sheeyaan inay ku dhex jireen Kartoon islamarkaana lasii galiyay meel god ah.
Qofka meydkiisa la helay ayaa waxaa marka laga soo tago in la dhexgaliyay maro waxaa dhinac yaalay dhar ay haweenku xirtaan oo isugu jiray Xijaab iyo duruuc kale.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxay sheegeen inay shaki weyn ka qabaan sax ahaanshaha in qofku yahay ikraan islamarkaana ay aaminsanyihiin in lafaha la helay ay yihiin kuwii Ikraan taliil gaar ahaann marka la eego aaga laga helay meydka oo ah goob si weyn loo tuhunsanaa in lagu dilay Ikraan oo ku taalla duleedka magaalada Muqdisho.
Goobta ayaa ku taalla degaanka Garasbaaleey gaar ahaan meel cidlo oo aysan dad badan dagneyn guryo badana aysan ku oolin.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxay sheegeen inay baaritaan ku billaabeen meydka la helay.






