Koox burcad badeed ah ayaa maanta xeebaha degmada Eyl ku weeraray dooni Kalluumeysi oo ay doonayeen inay afduubtaan. Doonida kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iran ayaa waxay wararku sheegayaan inay rasaas ku furtay kooxda Burcad badeedka kadib markii ay aad ugu dhowaadeen.

Burcadda oo ka baxday deegaanka Maraya oo hoostaga degmada Eyl ayay wararku sheegayaan inuu soo gaaray qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mid kamid ah kooxda burcad badeedka ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay rasaasta halka laba kale ay ku dhawacmeen iyadoo markii dambe ay ciidamada Puntland la wareegeen meydka iyo dhaawaca.

Kooxda burcadda weerarka geysatay ayay wararku sheegayaan inay ka koobnaayeen 10 nin waxana marka laga soo tago ninka dhintay iyo kuwa dhaawacmay baxsaday raggii kale ee qeybta ka ahaa weerarka balse ka bad baaday rasaasta lagu soo furay.

Arrintaan ayaa muujineysa in kooxaha Burcad badeeda ah ee ka qowleysta xeebaha Somalia ay dib usoo laabteen xilli dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu Buracad badeeda ula dagaalami doono sida uu ula dagaalamo kooxaha dooraga ka ganacaada oo kale.