Magaalada Galdogob waxaa ka dhacay dhacdo si weyn looga hadal haayo guud ahaan deegaanada Puntland.

Ciidamada ammaanka Puntland oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa arrin lama filaan ah ku sameeyay nin halkaas maalin kahor ku dilay qof safar ahaa isagoona mid kale dhaawacay.

Gacan kidhiiglaha oo dilka kadib u baxsaday dhanka dowlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa kadaba tagay ciidamada Puntland oo daba galay markii uu baxsaday kadib.

Ciidamada ayaa markii ay ka dabatageen kadib ku amray inuu isisoo dhiibo balse diiday iyadoo intaas kadib ay ciidamada toogteen, sida uu sheegay ciidamada qeybta booliiska gobolka Mudug Maxamuud Cabdixakiin Yusuf.

Gacan ku dhiiglaha ayaa markii la dilay kadib meydkiisa la geeyay degmada Goldogob gaar ahaan goobtii uu ku dilay darawal safar ahaa kuna dhaawacay laba ruux oo kale.

Odayaasha dhaqanka beeshiisa ayaa la sheegay inay ameeen howlgalka lagu dilay ninkaan kuwaas oo dalbaday in nolol ama geeri lagu keeno.