Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhoofaya magaalada Muqdisho, kaddib markii uu fashil ku dhammaaday wadahadal ay la lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

Ilo ku dhow dhow dhinacyada wada hadlay ayaa sheegay in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac aysan miro dhalin, iyadoo la isku mari waayay arrimo la xiriira wax ka baddalka dastuurka iyo habraacyada siyaasadeed ee socda.

Shalay ayaa kulan ay Muqdisho kula yeesheen Golaha Mustaqbalka qeybaha kala duwan ee Bulshada ayay ku iclaamiyeen Shirweyne, kaas oo la sheegay in uu ka qabsoomayo Magaalada Garoowe bartamaha Bisha April ee sanadkan.

Dhinaca kale, xildhibaannada ka soo jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ee laga mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u kala safraya magaalooyinka Garoowe, Nayroobi iyo Boosaaso, sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Banaadir24.com

Garoowe ayaa la filayaa in ay noqoto xarunta kulamo gaar ah oo ay yeelan doonaan mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada ka aragtida duwan dowladda dhexe, halka qaar kalena ay u ambabaxayaan Nayroobi iyo Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in ujeedka socdaalka uu yahay xoojinta mowqifka labada dowlad goboleed ee ka soo horjeeda wax ka baddalka dastuurka, gaar ahaan qodobada ay ku doodayaan in aan si wada-tashi ah loo marin.

Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa maalmahan dambe sii xoogeysanayay, iyadoo arrinta dastuurka ay noqotay qodobka ugu weyn ee laysku hayo.