Warar aan ka helnay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kuwaas oo lagu tirinayo mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed, ay hub dhinaca dhulka ah ku geeyeen degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha degmada Buurhakaba iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed, iyadoo wararka la isla dhexmarayo ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaargarow siyaasadeedba ay ka socdaan halkaasi.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in hubka la geeyay Buurhakaba uu yahay mid loogu talagalay in lagu xoojiyo garab siyaasadeed ka soo horjeeda hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed. Si kastaba ha ahaatee, ma jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xubnaha la eedeeyay ama hay’adaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya oo xaqiijinaya ama beeninaya arrintaas.
Xubnaha lagu eedeynayo arrintan ayaa ka wada tirsan xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, halka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu isna ka mid yahay isla xisbigaas. Tani ayaa sii kordhisay hadal-heynta ku aaddan in khilaafka siyaasadeed uu gaaray heer xasaasi ah, inkasta oo ay wadaagaan hal madal siyaasadeed.
Degmada Buurhakaba oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa ah meel istiraatiiji ah, isla markaana leh miisaan siyaasadeed iyo mid amni oo muhiim u ah maamulka Koonfur Galbeed. Dadka deegaanka qaarkood ayaa muujinaya walaac ku aaddan in xiisaddu saameyn ku yeelato amniga iyo xasilloonida degmada.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in haddii eedeymahan ay xaqiiqo noqdaan, ay keeni karto khilaaf hor leh oo u dhexeeya madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedka, gaar ahaan marka la eego xaaladda siyaasadeed ee haatan dalka ka jirta.






