Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay siyaasiyiinta reer Puntland ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hore uga soo guuray Puntland, isla markaana siweyn u mucaaradsan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulankaasi ayaa lagu lafaguray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada doorashooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu boorriyay siyaasiyiinta in ay xoojiyaan abaabulka shirarka iyo kulamada lagu taageerayo hannaanka doorashada “Qof iyo Cod”, isla markaana ay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka sameeyaan gudaha xaafadaha Muqdisho.

Dhanka kale, dhacdo la mid ah tan maanta taagan ayaa la xusuustaa sanadkii 2021, xilligii uu waqtigiisu dhammaan rabay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo ayaa markaas la kulmay siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Taliyihii Booliiska Gen Xijaar & Gen. Siciid Dheere, &Sheekh Cabdi Xirsi iyo Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.

Kulamada noocan oo kale ah waxay mar kasta ka turjumaan in Muqdisho gashay Loollanka siyaasadeed ee Doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya.