Wararka naga soo gaaraya deegaanka Awdiinle oo hoostaga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda Itoobiya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay wararku tilmaamayaan, dagaalka ayaa billowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Awdiinle. Labada dhinac ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaas culus iyo mid fududba la maqlayay inta uu socday iska horimaadka.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aaddan faahfaahinta weerarka iyo waxyeellada ka dhalatay.

Deegaanka Awdiinle ayaa kamid ah meelaha muhiimka u ah amniga Baydhaba, maadaama uu ka mid yahay deegaannada laga ilaaliyo magaalada. Halkaasi waxaa wada jooga ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degaanka Owdiinle ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay degaanka gacanta ku hayaan Ciidamada Huwanta ah.