Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan ku qaadday dalal ka tirsan gobolka, iyadoo ku tilmaantay falalkaasi kuwo khatar gelinaya amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalalka iyo ku tumasho sharciyada caalamiga ah.

Sacuudi Carabiya ayaa diiradda saartay saddex arrimood oo waaweyn:

Garab istaag buuxa oo ay la taagan tahay dalalka walaalaha ah Riyadh waxay xaqiijisay inay si buuxda ula safan tahay Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qadar, Kuwayt iyo Urdun, iyadoo muujisay midnimo iyo taageero aan shuruud lahayn.

Sacuudiga ayaa caddeysay inay adeegsan doonto dhammaan awooddeeda iyo awoodaha ay hayso si ay u taageerto dalalka walaalaha ah, isla markaana ay ula garab istaagto tallaabo kasta oo ay qaadaan si ay u ilaashadaan amnigooda iyo madaxbannaanidooda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu bixiyay digniin culus oo ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara sii socoshada xadgudubyada lagu sameynayo madaxbannaanida dalalka iyo ku tumashada mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Sacuudi Carabiya waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si cad u cambaareyso falalkaas, islamarkaana ay qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakameynayo xiisadda sii kordheysa, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.