Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollahi Ali Khamenei , oo dalkaas u rogay quwad si adag uga soo horjeeda Mareykanka isla markaana ballaariyay saameynta milatari ee Iiraan ku leedahay Bariga Dhexe, ayaa lagu dilay duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay mas’uul sare oo Israa’iili ah Sabtidii.
Ilaa hadda ma jirto wax xaqiijin rasmi ah oo ka timid dhinaca Iiraan oo ku saabsan geeridiisa.
Mareykanka iyo Israa’iil ayaa Sabtidii qaaday weerarro milatari oo ka dhan ah Iiraan, iyagoo beegsaday hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya dalkaasi, tallaabadaas oo sii hurisay xiisadda Bariga Dhexe. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in weerarradaasi ay soo afjari doonaan khatar amni oo ku wajahan Mareykanka, isla markaana ay siin doonaan shacabka Iiraan fursad ay kaga takhalusaan hoggaankooda.
Khamenei oo 86 jir ahaa, ayaa noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan sanadkii 1989, kadib geeridii aas-aasihii Jamhuuriyadda Islaamiga ah, Ayatollah Ruhollah Khomeini, Intii uu xilka hayay, wuxuu gacanta ku hayay awoodda ugu sarreysa ee siyaasadeed, milatari iyo diimeed ee dalka, isaga oo hagayay siyaasadda gudaha iyo xiriirrada dibadda ee Iiraan.






