Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka, xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xalay gacanta ku dhigay miino la doonayay in lagu waxyeelleeyo amniga magaalada.
Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in miinadan lagu qabtay nin lagu magacaabo Yuusuf Jeeri, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howlgala Magaalada Marka.
Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ninkan uu qorsheynayay in miinadaasi ku beegsado saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee ku sugan Magaalada Marka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in arrintan ay layaab ku noqotay, maadaama eedeysanuhu uu ka mid ahaa laamaha ammaanka.
Ciidamada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in miinada si nabad ah loo fashiliyey, islamarkaana baaritaanno dheeraad ah ay socdaan si loo ogaado cid kasta oo ku lug leh falkaasi.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay howlgalka lagu soo qabtay miinada iyo eedeysanaha. Laamaha ammaanka ayaa xusay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo xasiloonida Magaalada Marka.






