Waxaa la xaqiijiyay geerida xoghayihii Golaha Difaaca Qaranka ee Iiraan, Cali Shamkhani, iyo taliyihii guud ee ciidanka Iiraan, Jeneraal Maxamed Baakboor, kaddib weerarro la sheegay inay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil gudaha Iiraan.
Sida ay werisay Al Jazeera, labada mas’uul ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu awoodda badan nidaamka Iiraan, iyagoo door muhiim ah ku lahaa siyaasadda amniga iyo hoggaanka milateriga dalka.
Wararka ayaa sheegaya in weerarradu ay ka dhaceen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo ilo rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha iyo saamaynta ay dhacdadani ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil oo si toos ah u xaqiijinaya mas’uuliyadda weerarrada. Dhacdadan ayaa la filayaa inay sare u qaaddo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.






