Cummaan ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada militari ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran, iyadoo ka digtay in colaaddaasi ay sii ballaarin karto xiisadda gobolka.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cummaan ayaa lagu sheegay in ficilladan ay khatar ku yihiin xasilloonida Bariga Dhexe, isla markaana ay keeni karaan cawaaqib halis ah.
Cummaan waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo hawlgallada militari isla markaana khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal diblomaasiyadeed.
Cummaan ayaa sidoo kale ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qabto kulan degdeg ah si loo hirgeliyo xabbad joojin, iyadoo ku boorrisay dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn.







