Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dukumeenti ku wareegaya baraha bulshada oo lagu sheegayo in dowladda federaalka ee Solmaaliya ay taageero u muujisay dowladda Iran uu yahay mid been abuur ah, isla markaana aan laga soo saarin wasaaradda.

War-saxaafadeedka wasaaraddu soo saartay ayaa lagu caddeeyay in qoraalkaasi uusan ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya isla markaana aanu jirin wax oggolaansho ama soo saarid rasmi ah oo uu helay.

Wasaaraddu waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday in dukumeentiga la faafinayo uu yahay mid aan sax ahayn, laguna doonayo in lagu marin habaabiyo dadweynaha, iyadoo ugu baaqday shacabka iyo warbaahinta inay ka digtoonaadaan xogaha aan laga hubin ilaha rasmiga ah.

Qoraalka la beeniyay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay dib u xaqiijinayso taageeradeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, arrintaas oo wasaaraddu si cad u diiday, kuna tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ku adkeysatay in dhammaan war-saxaafadeedyada iyo mowqifyada rasmiga ah lagu baahiyo oo keliya kanaallada rasmiga ah ee dowladda.