Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay sare u qaadday ammaanka dalkeeda, xilli ay cirka isku shareerayaan xiisadaha ka aloosan gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan weerarradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday Iran iyo carqaladaha ka jira marin-biyoodka Badda Cas.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay la xiriirto qiimeyn amni oo la sameeyay, iyadoo la tixraacayo digniino caalami ah oo lasoo saaray bishii Febraayo 2026, kuwaas oo muujinaya welwelka sii kordhaya ee ku aaddan xasillooni darrada gobolka.
Jabuuti, oo martigelisa saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, ayaa loo arkaa xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada amniga ee Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas. Kor u qaadista heerka feejignaanta ayaa loo fasiran karaa inay muujinayso cabsi laga qabo in xiisadaha ka jira gobolka ay saameyn ku yeeshaan dalalka ku teedsan Geeska Afrika.
Falanqeeyayaal amni ayaa tilmaamaya in tallaabadaan ay la xiriirto dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta Yemen, kuwaas oo horey weerarro ugu geystay maraakiibta ganacsiga ee maraysa Badda Cas, iyo sidoo kale khilaafaadka ballaaran ee la xiriira Iiraan.
Iyada oo Jabuuti ay tahay xarun muhiim u ah hawlgallada milatari iyo kuwa ganacsi ee caalamiga ah, tallaabo kasta oo dhinaca amniga ah oo ay qaaddo waxay yeelan kartaa saameyn ku saabsan isu-socodka ganacsiga iyo xasilloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.






