Madaxweynaha Jubaland, Ahmed Madoobe, ayaa si rasmi ah ugu yeeray xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku metela deegaanada Jubaland in ay ka soo qaybgalaan kulan wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Kismaayo.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu caddeeyay in kulankan uu yahay mid looga arrinsanayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Kulanka ayaa la qorsheeyay inuu qabsoomo 2-da Maarso 2026 oo Beri ah, iyadoo lagu wado in xildhibaanadu talooyin iyo aragtiyo mideysan ka dhiibtaan marxaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale, xildhibaanada Federaalka ee ku metela Puntland ayaa iyaguna shalay iyo maanta gaaray magaalada Garowe, halkaas oo ay kulan wadatashi ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.
Ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in kulamadaasi diiradda lagu saari doono xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo doorka ay Puntland ku leedahay go’aamada masiiriga ah ee heer federaal.
Labada kulan ee ka kala dhacaya Kismaayo iyo Garowe ayaa imaanaya xilli dalka uu wajahayo isbeddello siyaasadeed iyo dood ku saabsan hannaanada doorashooyinka iyo dib-u-habeynta nidaamka dowladeed.







