Kooxo hubeysan ayaa gudaha dalka Koonfurta Suudaan ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Sheekh Aadam, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Marxuumka oo ka shaqeynayay darawalnimo ayaa la sheegay in kooxaha hubeysan ay ka dejiyeen gaari uu saarnaa, kaddibna maalmo kadib la xaqiijiyay in la dilay.

Wararka laga helayo qoyska marxuumka ayaa tilmaamaya in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka.

Qaar kamid ah ehelka Maxamed Cali Sheekh Aadam ayaa warbaahinta u sheegay inay si weyn uga naxeen falkaasi, ayna ka war sugayaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada iyo cidda ka dambeysay.

Dalka Koonfurta Suudaan oo ay ku nool yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo badan, kana shaqeysta ganacsiga iyo adeegyada kala duwan, ayaan horey loogu aqoon dalalka inta badan lagu dhibaateeyo Soomaalida, marka loo eego dalal kale sida Koonfur Afrika.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Koonfurta Suudaan oo ku saabsan dhacdadan.