Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Intii uu socday wadahadalka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Qatar.
Madaxweynaha ayaa xusay in weerar kasta oo lagu qaado dhulka Qatar uu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya sharciga caalamiga ah, isla markaana aan la aqbali karin.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay aaminsan tahay in khilaafaadka iyo xiisadaha ka taagan gobolka lagu xallin karo wadahadal iyo diblomaasiyad, halkii laga adeegsan lahaa awood milatari. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay doorka Qatar ay ka qaadato horumarinta, gargaarka bani’aadannimo iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.
Taageeradan uu muujiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa timid kaddib markii Dowladda Qatar ay kamid noqotay dalalka la sheegay inay weerar kala kulmeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, arrintaas oo sii kordhisay walaaca ku aaddan xasilloonida gobolka.
Ugu dambeyn, labada hoggaamiye ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.






