Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Iran ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Erbil, sida ay werisay Kurdistan24.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in jugta qaraxyo culus laga maqlay gudaha iyo hareeraha garoonka, iyadoo cirka lagu arkayay holac iyo uuro isku shareeray daqiiqado kaddib weerarka. Dadka deggan xaafadaha ku dhow garoonka ayaa sheegay inay si cad u maqleen qaraxyada, taasoo cabsi gelisay shacabka.

Ilo amni oo ku sugan Erbil ayaa tilmaamay in weerarku bartilmaameedsaday qaybta milatari ee ku dhex taalla garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga caalamiga ah. Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinacyada Iran ama Mareykanka oo ku saabsan weerarka iyo waxa sababay xiisadda sii kordheysa ee gobolka. Si kastaba, weerarkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda amni ee Bariga Dhexe.

Garoonka diyaaradaha Erbil ayaa marar hore noqday bartilmaameed weerarro la xiriira loollanka u dhexeeya quwadaha gobolka, inkastoo ammaanka halkaasi si weyn loo adkeeyay sannadihii u dambeeyay.