Hay’adda Sirdoonka Iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ayaa fulisay howlgal bartilmaameed ah oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda.
Howlgalkan oo lagu tilmaamay mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle, Gobolka Shabeellaha Hoose. Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, horjoogaha la dilay ayaa muddo dheer ku jiray liiska dadka aadka loo doon-doonayo, isagoo la sheegay inuu door muhiim ah ku lahaa abaabulka iyo hagidda falal amni darro oo ka dhacay qeybo kamid ah dalka.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu si guul leh ku soo dhammaaday, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka rayidka ah.
Hay’addu ma shaacin magaca horjoogaha la dilay iyo xogta la xiriirta xilkii uu ka hayay kooxda, hase yeeshee waxay ballan-qaadday in faahfaahin dheeraad ah la soo bandhigi doono goor dhow.
Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday deegaanno ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka ay xoojisay dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.






