Markabka dagaalka ee Turkiga ee TCG Bafra oo ka tirsan Hawlgalka Ciidanka Badda Soomaaliya (Somali Naval Task Force), ayaa lagu qabtay tababar farsamo oo loo yaqaan “Applied Ship Training” kaas oo la siiyay saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya.

Tababarkan oo ah mid ku saleysan ku-dhaqanka hawlaha markabka inta uu badda ku jiro, ayaa diiradda lagu saaray xirfadaha maareynta howlgalka, badbaadada markabka, la tacaalidda xaaladaha degdegga ah iyo kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha ee dhinacyada farsamada.

Mas’uuliyiin ka tirsan howlgalka ayaa sheegay in ujeeddada tababarku ay tahay xoojinta awoodda iyo hufnaanta Ciidanka Badda Soomaaliya, si ay si madax-bannaan ugu maareeyaan amniga badda, ugana hortagaan khataraha sida burcad-badeedda iyo falalka amni-darro ee ka dhaca xeebaha dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan laamaha ka shaqeeya sugidda amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka qaranka.