Sida ilo wareedyo rasmi ah aan ka helnay, xildhibaannada beelaha Digil iyo Mirifle ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa si cad uga soo horjeestay hindisaha wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa xaqiijiyay in aysan qayb ka noqon doonin wax ka beddel aan lagu wada heshiin, iyagoo sheegay in dastuurku yahay heshiis qaran oo u baahan wadatashi iyo oggolaansho guud. Waxay carrabka ku adkeeyeen in aysan ka qayb geli doonin arrin aysan Soomaalidu si wadajir ah ugu heshiin.

Xildhibaannadan, oo isugu jira mucaarad iyo muxaafid, ayaa haatan u muuqda kuwo ku midoobay mowqif mideysan oo ay kaga soo horjeedaan wax ka beddelka la soo jeediyay kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Muqdisho.

Ilo ku dhow kulankooda ayaa sheegaya in ay billaabeen saxiixida mooshin rasmi ah oo ka dhan ah qorshaha wax ka beddelka dastuurka.

Kulankooda ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yeesheen shir gaar ah oo ay kaga arrinsanayeen tallaabooyinka xiga. Waxaa la filayaa in caawa ay afur ku yeeshaan mid ka mid ah hoteellada ku yaalla Muqdisho, si ay u sii ambaqaadaan wada-tashiyada la xiriira arrintan.

Lama oga illaa iyo hadda sida uu mowqifkani u saameyn doono hannaanka wax ka beddelka dastuurka, hase yeeshee tallaabadan ayaa muujinaysa kala aragti duwanaansho weli ka dhex jirta mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.