Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay nin lagu tilmaamay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday xarunta Godka Jilacow.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu adeegsan jiray magacyo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali.
Hay’addu waxay sheegtay in ninkan uu ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarro dhowr ah oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
-
Weerarkii Godka Jilacow (4 October, 2025)
-
Weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025)
-
Weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025)
Sida lagu xusay qoraalka, howlgalka lagu beegsaday ninkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha argagixisada, lana ciribtirayo hoggaamiyeyaasha iyo maskaxda ka dambeysa weerarrada lagu waxyeelleeyo shacabka iyo hay’adaha amniga.
NISA ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, ayna la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, hay’addu waxay sheegtay in howlgaladu sii socon doonaan illaa laga cirib-tiro kooxaha Khawaarijta ee khatarta ku haya amniga qaranka.







