Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wada-hadal miro-dhal ah Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax, iyagoo ka wadahadlay xaaladaha cakiran ee ka taagan gobolka.

Madaxweynaha ayaa muujiyey garab-istaagga iyo taageerada buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay hoggaanka iyo shacabka Kuwayt, kuwaas oo la kulmay weerarro iyo xadgudubyo uga yimid dowladda Iiraan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ballaarinta colaadaha gobolka ay halis weyn ku tahay nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee dalalka dariska iyo guud ahaan Bariga Dhexe. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo dadaallada wadajirka ah iyo iskaashiga heer Carbeed si xal waara looga gaaro xiisadaha taagan.

Wadahadalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee joogtada ah ee Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Gobolka Khaliijka, si loo adkeeyo nabadda iyo wadajirka gobolka.