Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kursigii uu baneeyay Senator Cisman Abuukar Dubbe, kaddib markii uu dib ugu laabtay deegaannadiisa Somaliland, iskana casilay Kursiga.
Kulamo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa la sheegay in go’aan looga gaaray habka loo buuxinayo kursigaas. Kulamadaasi waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo diiradda lagu saaray dardargelinta buuxinta kuraasta bannaan ee Aqalka Sare.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in kursiga la dooran doono loo asteeyay Cabdiraxmaan Barre. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dadaalka kursigan lagu doonayo uu hormuud ka yahay Senator Saciid Cawke (Timaweyne), oo ah xoghayaha guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.
Waxaa la sheegay in Saciid Cawke uu shuruud ka dhigay in aan la meelmari doonin wax ka beddelka dastuurka haddii aan Cabdiraxmaan Barre la siin kursigan Aqalka Sare.
Dhanka kale, waxaa meesha ka baxay qorshe hore oo la sheegay in kursiga lagu siin lahaa xaaska Wasiirkii hore ee Ganacsiga, kaddib caro la xiriirtay xil ka qaadis lagu sameeyay wasiirkaasi. Qorshahaas ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid lagu dejinayay xiisado siyaasadeed oo ka dhashay xil ka qaadistaasi, balse hadda u muuqda mid fashilmay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Villa Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto helitaanka kooram buuxa oo Senatarada Aqalka Sare ah, si ay uga qeyb qaataan ansixinta cutubyada wax laga beddelay ee dastuurka dalka.
Doorashada kursigan cusub ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato isu-dheellitirka siyaasadeed ee Aqalka Sare, xilli dowladdu ay waddo qorsheyaal ku saabsan dhameystirka dib-u-eegista dastuurka iyo meelmarinta qodobada muranka dhaliyay.






