Somaliland ayaa sheegtay in aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil uu fursad weyn u noqon karo horumarinta dekedda Berbera. Si kastaba, iyadoo gantaallo is dhaafsanayaan dalalka gobolka, falanqeeyayaal ayaa ka digaya in tallaabadaasi sidoo kale ka dhigi karto Berbera bartilmaameed amni.

Dekedda Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa casriyeeyay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, taasoo ka dhigtay xarun ganacsi oo heer sare ah kuna taalla mid ka mid ah marin-badeedka ugu mashquulka badan caalamka.

Inkasta oo Berbera ay weli qaaddo konteenarro ka yar kuwa dekedaha Jabuuti iyo Mombasa, haddana isu socodka dekedda ayaa kordhay 30 boqolkiiba intii u dhexeysay 2023 ilaa 2025. Dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo dhowaanahan socday ayaa la rumeysan yahay inay horseedi karaan koror kale oo ballaaran.

Heshiis wadaxaajood ah oo lala galayo Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn kuna nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof ayaa suuragelin kara in isu socodka dekeddu uu kordho 80 boqolkiiba kale, sida uu sheegay Agaasimaha Maamulka Dekedda Berbera, Cali Diiriye Axmed. Dowladda Itoobiya weli kama aysan jawaabin su’aalaha la xiriira arrintan.

Dhanka kale, go’aankii dhawaan ay qaadatay Israa’iil ay ku aqoonsatay Somailand ayaa ka dhigan inay noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya tan iyo markii ay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991 waxana la filayaa inuu keeno “koror aad u ballaaran”, sida uu sheegay Axmed, isagoo durba saadaaliyay ballaarin lagu sameeyo dekedda.

Si kastaba, iskaashi lala yeesho dhinacaas waxa uu wataa khataro amni, gaar ahaan iyadoo weerarro ay toddobaadkan fuliyeen Mareykanka iyo dhinaca Israa’iil oo ka dhan yihiin Iiraan ay sii kordhiyeen cabsi laga qabo dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka. Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdi Maalik Al-Xuuti, ayaa hore u sheegay in joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelo Somaliland loo aqoonsan doono “bartilmaameed milatari”.

Imaaraadka Carabta, oo laftiisa toddobaadkan lagu weeraray gantaallo ka yimid Iiraan, ma aha oo kaliya inuu maamulo dekedda Berbera, balse sidoo kale wuxuu ku leeyahay saldhig milatari oo u dhow dekedda, kaasoo dhawaan la ballaariyay. Shaqaale ka tirsan DP World oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo badan oo diyaaradeed oo ka socdaan halkaasi ay yihiin kuwo aan si cad loo fahmi karin, mararka qaarna ay soo degaan ilaa 20 diyaaradood toddobaadkii.

Khatar kale oo maxalli ah ayaa ka iman karta kooxda Al-Shabaab, oo ah garabka Soomaaliya ee Al-Qaacida, taasoo sheegtay inay ka hor imaan doonto isku day kasta oo Israa’iil ay ku adeegsanayo Somaliland. Roland Marchal, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha gobolka kana tirsan jaamacadda Sciences Po ee Faransiiska, ayaa ka digay in mas’uuliyiinta Somaliland ay “kaliya arkeen aqoonsiga, iyagoo aan ka fiirsan mustaqbalka iyo cawaaqibka ka dhalan kara.”

Somaliland ayaa markii hore si cad u beenisay jiritaanka wadaxaajoodyo ku saabsan in saldhig milatari ay Israa’iil ka dhisaneyso dhulkooda, hase yeeshee dhawaan ayay muujisay in “aan waxba laga reebin miiska wada hadalka”.

“Ma la shuraakoobeyno Israa’iil si aan cid uga soo horjeesanno,” ayuu yiri Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ahna la-taliyaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi. Somaliland “waxay doonaysaa inay gacan ka geysato nabadda gobolka,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Magaalada Berbera, oo ah magaalo deggan balse horumar ahaan weli xaddidan, isla markaana ay ku nool yihiin qiyaastii 70,000 oo qof, jawigu weli waa mid rajo iyo yididiilo leh, iyadoo dadku indhaha ku hayaan fursadaha dhaqaale ee ka dhalan kara isbeddellada diblomaasiyadeed ee socda.