Qarax ayaa maanta ka dhacay xaafadda Buula Xuubeey oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir., waxaana la sheegay in qaraxa oo ahaa miino lagu dhejiyay gaari nooca raaxada ah (Saruf), taas oo ku qaraxday gudaha xaafadda. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay meelo kamid ah magaalada Muqdisho, taas oo cabsi ku abuurtay dadka ku nool agagaarka goobta uu falka ka dhacay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Sarkaal katirsan Ciidanka NISA Gaarigiisa qarax loogu xiray, waxaana gaaray dhaawac qeybaha dambe ee jirkiisa ah, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah oo Warbaahinta la hadlay.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo bilaabay baaritaanno la xiriira sida uu falka u dhacay iyo cidda ka dambeysay.

Xaaladda xaafadda ayaa haatan degan, inkastoo ay jirto feejignaan dheeraad ah oo ay sameynayaan laamaha ammaanka.