Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, laguna afduubtay xeebaha Puntland ee Soomaaliya, si nabad ah loo soo badbaadiyay 2-da Maarso.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in markabka iyo dhammaan shaqaalihiisa ay bad qabaan, kaddib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen dhinacyada kala duwan ee arrinta ku lugta lahaa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in markabka lagu afduubtay biyaha u dhow Puntland, hase yeeshee dadaallo degdeg ah iyo wadashaqeyn dhexmartay hay’adaha ay khuseyso ay suurageliyeen in si nabad ah lagu soo furto.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay falka afduubka ah, iyadoo ku tilmaamtay mid si bareer ah khatar u gelinaya nolosha shaqaalaha markabka iyo amniga maraakiibta caalamiga ah. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta xuquuqda iyo danaha muwaadiniinteeda iyo shirkadaha Shiinaha ee ka howlgala dibadda.

Safaaradda Shiinaha ayaa xustay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta ammaanka badaha iyo la dagaallanka falalka burcad-badeednimo.

Ugu dambeyn, dowladda Shiinaha waxay muujisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, si loo hubiyo badqabka maraakiibta iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.