Warar hoose oo laga helay qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in si hoose loo xaliyey tabashooyinkii ay ka qabeen geeddi-socodka wax ka beddelka Dastuurka Federaalka.

Xildhibaanadan oo hore u muujiyey walaac ku saabsan habka iyo qodobada lagu wado wax ka beddelka, ayaa la sheegay inay kulamo gaar ah la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Ilo wareedyo ku dhow dhow kulamadaas ayaa xaqiijiyey in dood iyo wada-xaajood kadib la gaaray is-afgarad, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin waxa lagu qanciyey xildhibaanada — ha ahaato ballanqaadyo siyaasadeed, wax-ka-beddel qodobo gaar ah, ama arrimo kale oo la xiriira saamiga dowlad-goboleedyada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle ay hadda muujiyeen diyaar-garow ay ku taageerayaan ansixinta wax ka beddelka Dastuurka, taasoo muujinaysa isbeddel ku yimid mowqifkoodii hore.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jira dhinacyo si cad uga soo horjeeda qorshaha wax ka beddelka, oo ay ka mid yihiin dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, iyo sidoo kale xubno mucaarad ah oo fadhigoodu yahay Muqdisho. Mucaaradka ayaa ku doodaya in wax ka beddelka dastuurka u baahan yahay wadatashi ballaaran iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Golaha Shacabka, waxaa la filayaa in ansixinta wax ka beddelka Dastuurka loo madlan yahay berri ama maalmaha soo socda, haddii aysan iman dib-u-dhac siyaasadeed oo cusub.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo isha lagu hayo sida ay u dhici doonto codbixinta iyo saamaynta ay ku yeelan doonto xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.