Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya Ciidamada Deegaanka ayaa maanta fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Moqokori iyo Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan oo si xeel-dheer loo agaasimay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay isku dayayeen in ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan deegaanka Yasooman.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamada ay heleen xog sugan oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqa kooxda, taas oo keentay in si deg-deg ah loo qorsheeyo howlgalka. Ciidamada ayaa jid-gooyo u dhigay maleeshiyaadka meel u dhow Yasooman, halkaas oo uu ka dhacay iska horimaad kooban balse culus.
Intii uu socday weerarka, ciidamada ayaa la sheegay inay cadowga gaarsiiyeen khasaare lixaad leh. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in halkaasi lagu dilay in ka badan shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, lagana furtay shan qori oo nooca AK-47 ah.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gubay mid kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka, kaasi oo loo yaqaan “Cabdi Bile,” islamarkaana loo adeegsado weerarrada iyo dhaq-dhaqaaqyada deg-degga ah.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Deegaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga isla markaana lagu ciribtiro haraadiga Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada gobolka.






