Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarinta.

Madaxweyne hore Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarineed, dib-u-dhiska iyo taageerada amni ee ay ka fuliso dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha amniga, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida, midnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, isagoo door muuqda ka qaatay dhinacyada dib-u-dhiska, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarrada ciidamada.