Puntland ayaa soo saartay warmurtiyeed rasmi ah oo kasoo baxay Shirkii Wadatashiga ee ka qabsoomay magaalada Garoowe, kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Sare ee Puntland iyo xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland.

Shirka oo uu shir-guddoominayay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

Qodobada Muhiimka ah ee Warmurtiyeedka
Warmurtiyeedka ayaa si cad u sheegay in Puntland ay walaac xooggan ka qabto hannaanka loo marayo wax ka beddelka Dastuurka, iyadoo ku tilmaamtay mid aan waafaqsaneyn habraacyada dastuuriga ah iyo wada-tashiga dowlad-goboleedyada.

Sidoo kale, warmurtiyeedka waxaa lagu cambaareeyay tallaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha JFS, iyadoo lagu dooday in safarro iyo kulamo lala yeeshay xubno ka tirsan labada Aqal ay ahaayeen kuwo ka baxsan nidaamka wada-tashiga dowlad-goboleedyada.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu soo saaray liiska xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metela Puntland oo gaaraya 30 Mudane, kuwaas oo qaadacay kana baxay habraaca wax ka beddelka Dastuurka oo ay ku tilmaameen mid sharci-darro ah.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in ay ka horyimaadeen habraaca socda, iyagoo ku adkeystay in wax ka beddel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka uu maro hannaan waafaqsan qodobbada dastuurka, isla markaana lagu saleeyo wada-tashi qaran oo loo dhan yahay.