Ceynanshe Yuusuf Xuseen, Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah isaga casilay xilka.
Xildhibaanka oo laga soo doorto deegaannada Puntland ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee keentay iscasilaaddiisa ay tahay xayiraadda la saaray xildhibaannada laga soo doorto Puntland, kuwaas oo loo diiday inay u safraan magaalada Garoowe.
Mudane Ceynanshe ayaa sidoo kale xusay in wax ka beddelka lagu sameynayo Dastuurka Federaalka uu yahay mid aan lagu saleyn heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay qayb ka tahay sababaha ku kalifay inuu xilka ka dego.
Iscasilaadda Wasiiru Dowlaha ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira dastuurka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.






