Puntland ayaa si kulul u cambaareysay weerar saaka aroornimadii hore (03:00am) lagu qaaday xildhibaannada iyo senatarada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugnaa Hotel Airport ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hotelka u daateen, halkaas oo ay ku sugnaayeen mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka. Puntland waxay ku eedeysay dowladda federaalka inay halkaasi ka geysteen jirdil iyo falal ay ku tilmaantay afduub.
Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in la afduubtay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Arrimaha Bulshada, Mudane Axmed Cabdi Hurre, xilli uu ku sugnaa isla hotelka. Maamulka ayaa falkaasi ku tilmaamay mid “ugub ku ah dowladnimada” isla markaana aan loo marin hannaan sharci ah.
Puntland waxay caddeysay in xildhibaannada iyo senatarada la weeraray aysan jirin wax dembi ah oo lagu soo oogay, isla markaana tallaabada lagu qaaday ay tahay mid baal marsan dastuurka iyo xeerarka dalka u degsan.
“Wax kasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa mas’uuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan eedeymaha loo jeediyay.
Dhacdadan ayaa imanaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda.






