Kadib markii xalay ciidamo katirsan kuwa Booliska ee Soomaaliya ay weerareen Hotelka Airport ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan kuwa laga soo doorto Puntland, ayaa la sheegay in amnigooda ay la wareegeen ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Arrintan ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah xildhibaannada deganaa hotelka, kuwaas oo sheegay inay iyagu codsadeen in la ilaaliyo kadib markii ay dareemeen cabsi amni. Xildhibaanadu waxay sheegeen in weerarka iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Booliska ay abuureen xaalad walaac leh, taasoo ku kaliftay inay gargaar amni dalbadaan.
Sidoo kale, xildhibaanada laga soo doorto Puntland ee deganaa Hotelka Airport ayaa la sheegay in loo diiday inay u safraan magaalada Garoowe, kadib markii diyaarad ay saarnaayeen hawada laga soo celiyay, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku dhow xildhibaanada.
Illaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku saabsan eedeymaha la xiriira weerarka hotelka iyo hakinta safarka xildhibaanada.
Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa maalmahan ahayd mid kacsan, iyadoo mucaarad iyo siyaasiyiin kala duwan ay ku eedeeyeen dowladda inay cadaadis iyo caburin ku hayso dadka kasoo horjeeda. Dhacdadan ayaa imaneysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland.






