Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ayaa si rasmi ah uga soo horjeestay wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo marin habraac sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuuriga ah.

Warsaxaafadeed ay soo saareen goluhu ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelka la sameeyay uusan marin hannaan sharciyeed cad, isla markaana aan la helin aqlabiyaddii dastuurku farayay, gaar ahaan labada meelood meel (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in ay weli u aqoonsan yihiin Dastuur rasmi ah kii la ansixiyay sanadkii 2012-kii, iyagoo ku dooday in Dastuurku yahay heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, islamarkaana aan lagu beddeli karin rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ahi yeelato.

Sidoo kale, goluhu wuxuu sheegay in wixii wax-ka-beddel ah ay tahay in lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, wadatashi qaran oo ballaaran, iyo u hoggaansanaan buuxda oo la siiyo habraacyada dastuuriga ah ee dalka u yaalla.

Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay ku baaqeen in la ilaaliyo midnimada qaranka, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo khilaaf sharci oo sii murjin kara xaaladda dalka.