Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo xalay weeraray Airport Hoteel kadibna la baxay Axmed Cabdi Hurre oo ah La-taliyaha Siciid Deni ayaa ugu danbeyntii Galabta lasoo daayay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cali Xoosh oo Reer Puntland ah ayaa hotelkii kaga soo watay geeyay La-taliyaha, isaga oo ku wareejiyay Xildhibaannada Puntland ee halkaasi degan.

War goor hore xarigiisa ay kasoo saareen Booliska ayay ku sheegeen in Axmed Cabdi Hurre uu galay dambi la xiriira falal lidi ku ah amniga, balse Maxkamad la’aan la siidaayay.

Booliiska Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in ay si muuqata ugu dhex milmeen arrimaha Siyaasadda iyo Khilaafaadka Doorashadda ee Mucaaradka iyo Dowladda u dhaxeeya.