Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa lagu wadaa inuu berri afur u sameeyo dhammaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa qoraal casuumaad rasmi ah u diray Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo lagu wargeliyay in ay ka soo qeybgalaan munaasabadda afurka oo ka dhici doonta xarunta Madaxtooyada.
Wararka ayaa tilmaamaya in kulanka la filayo inay ka soo qeybgalaan inta badan Xildhibaannadii dhowaan ansixiyay wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira Xildhibaano mucaarad ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo helay farriinta casuumaadda, haddana aan la fileyn inay ka qeybgalaan kulanka.
Xildhibaanadan mucaaradka ah ayaa horey uga soo horjeestay hanaanka wax-ka-beddelka Dastuurka, iyaga oo aan ka qeyb qaadan ansixintiisa, taas oo keentay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.
Munaasabadda afurka ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto mid lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku soo dhowaanshaha hay’adaha dowladda, inkastoo ay muuqato in khilaafka siyaasadeed uu weli taagan yahay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kulanka uga faa’iideysan karo sidii uu fariin mideyn ah ugu gudbin lahaa Xildhibaannada, xilli ay dalka ka socdaan isbeddello siyaasadeed oo la xiriira hannaanka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka mustaqbalka.







