Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga dalka Iran ayaa ku hanjabay in Tehran ay beegsan doonto xarunta nukliyeerka ee Dimona ee ku taalla Israa’iil, haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay sii wadaan dadaallada lagu doonayo isbeddel maamul (regime change), sida ay werisay wakaaladda wararka ee ISNA.
Sida lagu sheegay warbixinta, xarunta Dimona ayaa loo arkaa halbowlaha barnaamijka nukliyeerka ee aan si rasmi ah loo shaacin ee Israa’iil, iyadoo ku aasan saxaraha Negev. Inkastoo Israa’iil aysan si cad u qiran jiritaanka hub nukliyeer, haddana xaruntan ayaa muddo dheer ahayd mid si weyn loo hadal hayo.
Hanjabaaddan ayaa imaneysa xilli xiisadda u dhexeysa Iran, Israa’iil iyo Mareykanka ay cirka isku shareertay, iyadoo hadallada is-dhaafsiga ah ee dhinacyadaasi ay sii kordhinayaan walaaca amni ee gobolka.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in weerar lagu qaado xarun nukliyeer ah uusan noqon doonin oo kaliya tallaabo militari oo lagu sii hurinayo colaadda, balse uu sababi karo masiibo shucaac (radiological disaster) oo saameyn ballaaran ku yeelata dalalka deriska ah.
Dalka Jordan, oo ku yaalla masaafo aad ugu dhow goobta Dimona, ayaa ka mid noqon kara waddamada si toos ah ay u saameyn karto haddii ay dhacdo waxyeello shucaac ah.
Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Israa’iil ama Mareykanka oo ku aaddan hanjabaaddan, balse arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda gobolka ay isu beddesho isku dhac ballaaran.






