Kadib markii Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay shalay ansixiyeen wax ka bedel lagu sameeyay 15 cutub oo kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka, ayaa waxaa soo baxaya hadal-heyn siyaasadeed oo ku saabsan aamusaanta qaar kamid ah maamul goboleedyada taageera dowladda federaalka.

Inkasta oo go’aanka baarlamaanka uu si weyn uga dhex muuqday doodaha siyaasadeed ee dalka, haddana qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada ayaa weli ka gaabsaday inay si rasmi ah uga hadlaan ama hambalyo u diraan tallaabadaas.

Madaxda aan weli wax hadal ah kasoo saarin ansixinta dastuurka waxaa kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo hore loogu tiri jiray maamullada sida dhow ula shaqeeya Villa Somalia.

Dhanka kale, waxaa tallaabada baarlamaanka si degdeg ah u soo dhaweeyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Puntland (Waqooyi Bari), iyo sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo hambalyo u diray Baarlamaanka Federaalka iyo dowladda.

Aamusaanta Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhalisay falanqeyn iyo hadal-heyn badan oo ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan sababta keentay in maamulladaas aysan weli si cad uga hadlin ansixinta wax ka bedelka dastuurka.

Qaar kamid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in aamusaanta ay la xiriiri karto wadatashiyo gudaha ah oo ay maamulladu ka sameynayaan qodobada la ansixiyay, halka kuwo kalena ay sheegayaan in ay jiri karto xisaab siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha federaalka iyo awood qeybsiga.