Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Buulo Burte Xasan Maxamed Cabdi iyo Duqii Magaalada Buulo Burte Cabdisalaan Cali Maxamed, kadib dhacdooyin la xiriiray arrimaha doorashooyinka deegaanka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), ayaa lagu shaaciyay in mas’uuliyiintan laga qaaday xilalkii ay hayeen, kadib markii ay soo baxeen khilaafyo iyo dhacdooyin la xiriiray xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka oo la xiray, sidoo kalena la qaatay qalabkii diiwaangelinta.
Sida ku cad wareegtada, dhacdooyinkan ayaa ka dhacay Degmada Buulo Burte intii u dhaxeysay 21 ilaa 23 bishii Febraayo 2026, xilli ay socdeen howlaha la xiriira diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashooyinka deegaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa sheegtay in falalkaasi ay carqalad ku noqdeen howlaha doorashooyinka, isla markaana ay sabab u noqdeen in tallaabo degdeg ah laga qaado maamulka degmada.
Dhanka kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in sidoo kale khilaaf uu ka taagan yahay sida loo qeybinayo ilaa 40 shaqaale oo ka shaqeynaya howlaha diiwaangelinta, iyadoo maamulka Hirshabelle uu doonayo in si siman looga qeybiyo dadka deegaanka.
Ugu dambeyn, wareegtada ayaa lagu xusay in Hey’adaha Amniga iyo maamulka gobolka Hiiraan lagu wargeliyay fulinta go’aankan, isla markaana wareegtadu dhaqan gashay markii uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.







